Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud ee Wakiillada oo Ugu Baaqay Madaxweynaha Inuu Xaalad degdega ku soo rogo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Wakiillada oo Ugu Baaqay Madaxweynaha Inuu Xaalad degdega ku soo rogo dalka

Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu shaaciyo xaalad degdega oo dagaal.

Sudaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu soo saaray galabta oo u qornaa sidan:

“Sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland qodobka 92-aad kaas oo awood uu siinaya madaxweynaha qaranka inuu soo saaro xeerar degdeg ah iyo ku dhawaaqista Xaalada Dagaal .
Sidaa darteed mudane madaxweyne waxa aan kusoo jeedinaya in aad dalka geliso Xaalad degdeg ah iyada oo lagu soo qaaday dalkii dulaan qabiilaysan ,mid siyaasadaysan oo la doonayo in lagu duminayo qaranka.

Mudane Madaxweyne mar hadii xaaladahaasi wadanka lasoo gudboonaday waxa kaliya ee lagaga bixi kara waa

1▪︎ Inaad isticmaasho awoodahaaga dastuuriga ah ,taas oo dalka ka saari karta waqtigan adag.
2▪︎ Dhamaan Saxaafada Jamhuuriyada Somaliland waxa laga codsanaya in ay isbarbar taagaan Xaaladan taagan iyo Difaaca qaranka .
3▪︎ Dhamaan Shacabka jamhuuriyada Somaliland waa in ay naf iyo maalba ku bixiyaan Difaaca dalka .
4▪︎ Qurba-joogta waxa aan kula talinaya in ay u sara kacaan Difaaca Dalka kuna bixiyaan hantidooda iyo maalkoodaba.

Ugu Dambayntii waxaan u hambalyeynaya ciidanka qaranka ee Habeen iyo maalin u taagan difaaca qaranka waxaanan leeyahay waan idin barbar taaganahay Dawlad iyo shacaba .

Alla Mahad Leh.

Cabdirisaaq Siciid Ayaanle
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this