Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada SSC oo gacanta ku dhigay abbaan-duulihii ciidamada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230825_155641678.jpg?resize=747

Ciidamada SSC-khaatumo ayaa dagaalkii maanta ku qabtay abbaan-duulihii guud ee ciidamada Somaliland Gen. Faysal Cabdi Bootaan.

Gen. Faysal ayaa lagu qabtay dagaal adag oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Guumays ee Gobolka Sool sida ay wararku xaqiijinayaan.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya taliye Faysal oo ay gacanta ku hayaan ciidamada SSC-Khaatumo.

Ciidamada SSC ayaa sidoo kale dagaalka maanta kula wareegay guud ahaan Gobolka Sool laga bilaabo Gooja-cadde ilaa iyo Guumays.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland dagaalka si ba’an loogu jebiyay islamarkaana laga qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis fara badan.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada SSC oo gacanta ku dhigay abbaan-duulihii ciidamada Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this