Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Lafta-gareen oo Dhuusamareeb gaaray iyo ujeedka safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
33770bf8-035b-4cab-88c8-19f3a1b470ef.jpe

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Laftagareen, waxayna hadda kulamo uga bilowdeen Dhuusamareeb oo fadhi u ah madaxda ugu sareysa dalka.

Qorshaha safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ah inuu qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Dhuusamareeb ka furmaya.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka ayaa ku soo wajahan Dhuusamareeb saacadaha soo socda, si ay uga qeyb galaan meertada 7-aad ee golaha wadatashiga qaran oo lagu qabanayo Dhuusamareeb.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre galabta soo gaaraya Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Inkastoo aan la shaacin goorta uu furmayo shirkaas, hadana Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa saacadaha soo socda iska xaadirinaya Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad ayaa horay ugu sugnaa Dhuusamareeb oo xudun u noqotay qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Shirka Dhuusamareeb uga furmaya madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa noqonaya kii 7-aad ee madaxdu ay isugu imaaneyso tan iyo markii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo argagixisada.

Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee Galmudug ka socda ayaa hadda meel xasaasi ah maraya, waxayna ciidamada xoogga dalka kaabiga ku hayaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, halkaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan.

07cc10ca-8c4f-4325-ae96-44232aba645f.jpe 69d3441c-183c-43ad-b3df-ae61b94dc0ce.jpe 4e19f0af-1005-436c-a844-f43ac1080dba.jpe e1d058e6-60c0-4e64-a8f2-eaf73e8d8c71.jpe b5c9f97a-6d26-41eb-a103-10de5df3c76d.jpe 33770bf8-035b-4cab-88c8-19f3a1b470ef.jpe

The post Sawirro: Madaxweyne Lafta-gareen oo Dhuusamareeb gaaray iyo ujeedka safarkiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this