Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: R/W Xamza oo galabta u baxaya safar gudaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza.jpeg?fit=1290%2C1376&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa galabta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas deegaan u noqotay madaxda ugu sareysa dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah inuu Dhuusamareeb uga qeyb galo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Inkastoo aan la shaacin goorta uu furmayo shirkaas, hadana Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa saacadaha soo socda iska xaadirinaya Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad ayaa horay ugu sugnaa Dhuusamareeb oo xudun u noqotay qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Shirka Dhuusamareeb uga furmaya madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa noqonaya kii 7-aad ee madaxdu ay isugu imaaneyso tan iyo markii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda federaalka ayaa xiligaan muhiimad gaar ah siineysa dagaalka Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in shirka Dhuusamareeb lagu go’aami doono qorshaha xiga markii Galmudug laga nadiifiyo argagixisada.

Howlgalka sifeynta Khawaarijta ee Galmudug ka socda ayaa hadda meel xasaasi ah maraya, waxayna ciidamada xoogga dalka kaabiga ku hayaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur, halkaas oo lagu wado in saacadaha soo socda ay gudaha u galaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed fadhi u ah howlgalkaan ayaa dhowr toddobaad Dhuusamareeb ku sugan, waxaana Al-Shabaab Galmudug jooga la isugu geeyey meelo kooban, qorshaha dowladda ayaa ah in waqti kooban lagu soo afjaro dagaalyahanada kooxda ee Galmudug ku sugan.

The post Xog: R/W Xamza oo galabta u baxaya safar gudaha dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this