Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-gal qorsheysan oo xalay lagu dilay dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howl-gal qorshaysan ka fuliyay Beerta Sheekhow oo 16 KM qiyaastii u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka.

Howl-galkan oo yimid kadib xog ay heshay NISA ayaa waxaa lagu dilay 27 ka tirsan Khawaarijta, kadib markii la ogaaday inay isku aruursanayeen Beerta Sheekhoow ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa lagu burburiyay howl-galkaan saanad ciidan iyo fariisimihii kooxda Al-Shabaab ee ku yaalay halkaas, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay dowladda federaalka.

Dhinaca kale, illaa iyo shan ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal qayb ka ahaa howl-galka sifaynta Jiinka wabiga oo ka dhacay deegaanka Basra, kadib markii NISA oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ay ogaatay koox Khawaarij ah oo doonayay inay arbushaan ciidanka.

Dagaal-yahaanadaasi ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxaa lagu laayay halkii ay isku abaabulayeen, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen.

The post Faah-faahinta howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this