Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: SSC-Khaatumo oo sheegtay inay la wareegtay taliskii ugu weynaa Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
2023825638285315140295812.jpg?fit=660%2C

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa guulo horleh ka sheegatay dagaalkii maanta dib uga qarxay Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in saaka ciidamadeeda ay guulo isdaba joog ah ka gaadheen dagaalo dhex-maray ciidanka Somaliland, iyaga oo shaaciyay inay qabsadeen saldhigii ugu weynaa Somaliland ee Goojacadde.

“Waxaanu hadda taaganahay Goojacadde, Alle saaka waana guuleeyay, nimankiina waa carareen Goodi ayay sii socdaan, hada halkan aynu taaganahay waa taliskoodii ugu waynaa ee ay deeganada SSC ku lahaayeen,” ayuu yiri mid kamid ah ragga hoggaaminayay ciidanka SSC.

Goojacadde ayaa ahaa saldhigii ugu waynaa ee Somaliland ku lahaayeen aagga Laascaanood, sidoo kalena waxa uu ciidamada Somaliland u ahaa xarun caafimaad oo weyn oo lagu dabiibo dhaawacyada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu imika sii xoogaystay, ayada oo ciidamada SSC ay durba soo bandhigeen maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland.

Sida muuqata dagaalkan oo saaka xili hore bilaabmay ayaa ciidamada Somaliland lagu gaadhsiiyay jab xoogan, waana markii ugu horeysay ee ciidamada SSC-Khaatumo ay qabsadaan saldhigyadaan muhiimka ah.

Dagaalka ayaa weli soconaya waxaana laga dhursugayaa halka uu ku dhamaado iyo in ciidamada SSC-Khaatumo ay gacanta ku sii hayn doonaan goobahan muhiim ka ah ee ay qabsadeen iyo in dib loo durjin doono.

Sidoo kale majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo la xiriira dagaalka saaka iyo guul-darada la sheegay inay kasoo gaartay, waxaana lagu wadaa in goordhow war-murtiyeed kasoo saaran xaaladda.

Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid kacsan, waxaana ay dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, ayada oo fashilmeen isku-dayo dhowr ah oo la rabay in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas.

The post DEG DEG: SSC-Khaatumo oo sheegtay inay la wareegtay taliskii ugu weynaa Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this