Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada SSC oo gacanta ku dhigay Taliskii Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1692945564883.jpg?resize=720%2C54

Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa saaka oo Jimce ah si buuxda ula wareegay Taliskii Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde.

Taliskan oo ahaa kan ugu weyn ee Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Gobolka Sool ayaa rasmi ah u galay gacanta SSC-khaatumo sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qabasashada Gooja-cadde ayaa soo deg degtay kadib markii subaxnimadii hore ee saaka Ciidamada SSC dagaal culus ku qabsadeen Taliskii Maraaga ee laga difaaci jiray Gooja-cadde.

SSC ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay in ay sidoo kale dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo maxaabiis.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada SSC oo gacanta ku dhigay Taliskii Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this