Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-khaatumo oo war ka soo saaray dagaal saaka ka socda jiidda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka SSC-khaatumo ayaa war rasmi ah ka soo saaray dagaal saaka ka socda jiidda magaalada Laascaanood.

SSC-khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay weerar xooggan ku soo qaaday magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay SSC ayaa lagu sheegay in dagaalka oo weli socda lagaga qabsaday Somaliland gaadiid dagaal iyo maxaabiis balse lama faahfaahin tiradooda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Somaliland laga la wareegay goobo badan oo ku yaalla jiidda Maraaga”Waxaana guulweyn laga gaadhay dhinaca maraaga, oo malayshiyada Somaliland goobo badan lagala wareegay”.

FB_IMG_1692939652668.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post SSC-khaatumo oo war ka soo saaray dagaal saaka ka socda jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this