Jacaylbaro Posted December 2, 2008 Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan xuseen Nuur Cadde ayaa sheegay in uu danaynayo in ciidamada Ethiopia ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya inta laga keenayo ciidamo Caalami ah oo nabadda ilaaliya si ay u badalaan ciidamada Ethiopia. Nuur Xasan xuseen (Nuur Cadde) oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula hadlayay wakaaladda wararka Associated Press ayaa waxaa uu muujiyay sida uu u doonayo in ciidamada Ethiopia ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya inta ciidamo Caalami ah laga helayo si ay u buuxayaan boosaska ay bameeyeen. Ra'iisul waraare Nuur Cadde waxaa uu ugu baaqay QM iyo Beesha Caaalamka in ay taageeraan dowladiisa oo haatan u muuqata mid sii liiceysa waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalin ah si marka ay Ethiopia u baxdo loo helo kuwa suga amaanka dadka Soomaaliyeed. Waxaa uu Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu mar kale soo hadal qaday kooxaha burcad badeeda Soomaalida isagoo beesha caalamka ka codsaday in ay wax ka qabtaan kooxahaasi maadaam uusan dalkiisa iyo dowladiisa ay la dagaalami karin oo aysan wax ka qaban Karin. Hadalka Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili inta badan wadanka Soomaaliya laga hadal hayo ka bixitaanka ciidamada Ethiopia sida uu dhigayo heshiiskii Dalka Jabuuti ay ku wada gaareen dowlada KMG Soomaaliya oo uu horkacayeen Ra'iisul wasaare Nur Cadde iyo isbahaysiga dib u xoraynta oo uu isna hor kacayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites