Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya ‘oo dardar ku wada’ qorshe barbar socda DAGAALKA Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah waxay dowladda federaalka ay barbar waday qorshaha xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka.

Qorshahaan ayaa dowladda ku waday dardar horleh, si deegaanadaasi loo gaarsiiyo adeegyada muhiimka iyo gargaar bini’aadannimo, kadib sanado badan oo ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta guddoomiye kulan heerkiisu sareeyey, kaasi oo looga hadlay xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka deegaanada Al-Shabaab laga xoreeyey iyo kuwa qorshaha dowladda ugu jira in dhawaan la xoreeyo.

Kulankaan ayaa waxa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka socday xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka, hay’addaha deeq-bixiya, hay’adaha islaamka ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo xubno kale oo ka socday maamul goboledyada dalka.

Hay’adda SODMA ayaa soo bandhigtay qorshaha guud ee ay ka leedahay ka jawaabista iyo gurmadka deeganada Galmudug ee dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, sidii ay bulshada ku nool goobahaas si isku mid ah loogu gaarsiin lahaa gargaar iyo adeegyada aas-aaska u ah bini-aadamka madaama bulshada halkaasi ku nool Khawaarijta dhib badan ay ku haysay.

Shirkaan ayaa qeybiyiisa dambe sidoo kale looga hadlay in loo diyaar garoobo dufaan, dabaylo iyo roob wadato oo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo qeybo dalka kamid ah.

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

The post DF Soomaaliya ‘oo dardar ku wada’ qorshe barbar socda DAGAALKA Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this