Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu salfaday hogaamiyihii Wagner ee geeriyooday?

Recommended Posts

Deeq A.   
Prigozhin.png?fit=2500%2C1577&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ee Wagner (Vagner) Yevgeny Prigozhin, ayaa kamid ahaa toban qof oo saarnaa diyaarad gelinkii danbe ee Arbacadii ku burburtay Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay geerida Prigozhin oo bishii June sameeyey isku day afgambi oo ka dhan ah ciidamada Ruushka.

Diyaaradda dhacday ayaa imanaysa iyada oo warbaahinta Ruushku ay wariyeen in General sare oo ku xirnaa Prigozhin laga qaaday xilka taliyaha ciidamada cirka ee dalkaasi.

Diyaaradda burburtay ayaa waxaa saarnaa saddex duuliye iyo toddoba qof oo rakaab ah, waxaana ay ka kacday magaalada Moscow, iyada oo kusii jeedday magaalada St. Petersburg.

Waxay ku dhacday meel 100 KM dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Ruushka.

Muxuu salfaday hoggaamiyaha Wagner ee geeriyooday?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Prigozhin salfatay deg-degii uu kusoo koray sallaanka awoodda xukunka Ruushka, isagoon lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan oo ka badbaadin karta siyaasadda loolankeedu adag yahay ee shirqoolkeeduna badan yahay.

“Prigozhin, waxay is qabteen ragga awoodda badan qaarkood sida; wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka, waxayna ku guulaysteen, iyagoo waayo-aragnimo la’aantiisa ka faa’iidaysanaya in ay odayga qoorta u geliyaan, geedkii uu degdega ku soo korayna, degdeg kaga dejiyaan,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Machiavelli ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey nasiibka xukunka, haddii adigoon u diyaarasanayn xukunka nasiib u hesho, wuxuu la mid yahay adoo helin oo kale, balse waxay u badan tahay in aad saaxada siyaasadda kaa baxdo ilaa abid, ama uu ku salfado, nasiib darro Prigozhin tan danbe ayaa ku dhacday.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran;

Dadaal inta uu ka qabo magaciisa ayuu ka diiwaan geliyey labo diyaarad oo isku eg oo aan la kala garan karin, isku waqtina kacaya, wuxuu kaloo samaystay nin u muuqaal eg oo aan isaga laga aqoon oo uu diyaaradaha midkood ku qoray, sidaas oo ay tahayna waxaa loo badiniyaa in uu diyaaradda dhacday saarnaa.

Yevgeny Prigozhin wuxuu ahaa madaxii shirkadda amniga Wagner ee awoodda badan leh, wuxuu kaloo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Waxaa jira rag kale oo Madaxweynaha ku dhow awood badanna leh sida wasiirka difaaca, Sergei Shoigu, taliyaha ciidanka militeriga Valery Gerasimov, agaasimaha nabadsugidda gudaha, General Alexander Bortnikov, madaxa sirdoonka dibadda Sergey Naryshkin iyo taliyaha ilaalada qaranka Viktor Zolotov. Raggaasi waxaa ku wada daaban maalqabeenno iyo warbaahin is wata.

Nidaamkaas oo (Oligarchy) loo yaqaan hay’adaha dawladda (national institutions), waxaa awood badan shakhsiyaadka.

Laakiin Prigozhin wuxuu kuwaa kale kaga duwanaa in uu degdeg ku soo koray sallaanka awoodda xukunka Ruushka, isagoon lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan oo ka badbaadin karta siyaasadda loolankeedu adag yahay, shirqoolkeedu badan yahay, odayga awoodda haystana uu yahay ma seereeye, raga ku hareeraysana ay yihiin kuwo ficiltan iyo is barabixis ka dhexeeyo, kuna beratama daacad ahaanshaha Duqa, iska ilaaliya, iskuna ilaaliya.

Prigozhin, waxay is qabteen ragga awoodda badan qaarkood sida; wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka, waxayna ku guulaysteen, iyagoo waayo-aragnimo la’aantiisa ka faa’iidaysanaya in ay odayga qoorta u geliyaan, geedkii uu degdega ku soo korayna, degdeg kaga dejiyaan.

Machiavelli ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey nasiibka xukunka, “haddii adigoon u diyaarasanayn xukunka nasiib u hesho, wuxuu la mid yahay adoo helin oo kale, balse waxay u badan tahay in aad saaxada siyaasadda kaa baxdo ilaa abid, ama uu ku salfado,” nasiib darro Prigozhin tan danbe ayaa ku dhacday.

Halkaa waxaa ku jira xikmadii laga wariyey Sayidinaa Cumar Bin Khadhaab Allaha ka raali noqdee ee ahayd; “Waaya-aragnimo yeesha inta aydaan wax xukumin.”

The post Muxuu salfaday hogaamiyihii Wagner ee geeriyooday? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this