Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DF oo Shabaab ka saaray deegaan muhiim u ah qabashada Ceelbuur

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-dagaal-howlgal-ciidamada-ci

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay deegaan muhiim u ah qorshaha kooxda looga saarayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxay si buuxda ula wareegeen tuulada Dac oo qiyaastii 17 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Qaranka oo ku jira howl-galka sifaynta Al-Shabaab ayaa galabtii si buuxda u sugay amniga Dac oo laga cayriyay dagaal-yahaanadii halkaas ku sugnayd mudada dheer.

Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa intaas kusii daraya in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada huwanta ah ee ku jira dagaalka, sidoo kale waxaa nabdoon shacabka deegaanka.

Qabashada Dac ayay dowladda ku tilmaamtay inay tahay tallaabo wayn oo loo qaaday soo afjarista dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ah ee ku harsan dowlad-goboleedka Galmudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale maalmihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saddex jiho ka kulaalaya Ceelbuur, iyada oo qorshuhu yahay in maalinta berri gudaha loo galo magaaladaas.

Ceelbuur ayaa kamid aheyd magaalooyinkii lagu qabtay howl-galkii Badweynta Hindiya ee muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb ka ahaayeen AMISOM, waxaana bishii March 2014 la wareegay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo is garabsanaya.

Hase ahaatee, Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay April 2017, markii ay ka baxeen ciidanka AMISOM ee Itoobiya ka socday iyo ciidanka dowladda. Waxaana xusid mudan in sagaal sano kadib gulufka lagu qabanayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ay keli ku yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iska kaashanaya.

The post Ciidanka DF oo Shabaab ka saaray deegaan muhiim u ah qabashada Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this