Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo XAMZA: Ma jirto meel dagaalka looga laabanayo, mana jiro qof ka noqon kara…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-1.jpeg?fit=2048%2C1480&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan jirin meel looga laabanayo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin meel dhexe oo laga istaago dagaalka ka socda dalka, uusan jirina qof ka noqon kara dhex, maadaama ay is hayaan xaq iyo baaddil, sida uu sheegay.

“Meel looga laabanayo dagaalkan majiro, Soomaaliya waxay gaartay xilligii ay iska xoreyn laheyd cadowga, marka cadowga ha kamid noqon haddaa shalay kamid aheyd iskaga imo. Hal saac gudaheed ayaa adiga oo cadow ah ayaa maanta xabiibka dalka noqon kartaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo markale farriin u direy dhalinyarada weli ku harsan Shabaab.

“Ciidamada Soomaaliyeed ee mujaahidiinta waxaa leeyahay Jihaad ayaa ku jirtaan, Jihaadkana waxa uu leeyahay aaddaab iyo akhlaaq haddii aad qabataan oo isku soo dhiibaan waxaa la idinka rabaa dhaqan suuban, soo dhoweyn iyo ixtiraam aad ixtiraameysan nafta bini’aadanka, xuquuqda iyo inay Soomaali yihiin kusoo dhoweysaan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidanka in si geesinnimo leh oo naxariis laheyn ay ula dagaalaman Shabaabka diida inay isa soo dhiibaan, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, uuna madaxweyne Xasan Sheekh uu dhameystirka wejiga hore u jooga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

“Jihaadka maanta socda ma ahan mid shaqsi, qolo iyo koox midna ma ahan, waa xaq iyo baaddil is haya oo dhex-dhexaad lagama noqon karo, waa in af iyo addinba lagu garab istaaga dadaalka uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo loogu jiro sidii dalka looga xoreyn lahaa cadowga dalkeena.”

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door shariif ah ka qaatan dagaalka, isaga oo si gaar ah shacabka caasimada ku booriyay inay cadowga ka feejignaadan oo si joogta ah ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Shacabka degan caasimada Muqdisho waxaa laga rabaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, waxaa ku jirnaa xilli dagaal, haddii furimaha looga adkaaday waxay doonayaa in caasimada qalqal ka abuuraan, waxaa la rabaa inay soo sheegaan waxay ka shakiyaan oo amniga laga wada qeyb qaato.”

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo XAMZA: Ma jirto meel dagaalka looga laabanayo, mana jiro qof ka noqon kara… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this