Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka gobolka oo shaaciyay inuu la wareegayo goobo ku yaal Muqdisho haddii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpeg?fit=1620%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inuu la wareegayo geerashyada iyo guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa ee qalqal-gelinta amniga u adeegsato kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa sheegay in maamulka uu diiwaan-gelinayo dhamaan geerashyada iyo goobaha lagu xareysto gawaarida ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu diiwaan-gelin ku sameyn doona dhamaan guryaha aan la daganeyn iyo kuwa qabyada ah ee ku yaalla caasimada, taasi oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga caasimada.

“Iyada oo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre 22-kii August 2023, ee looga hadlayay dardar-gelinta iyo xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho, wuxuu maamulka gobolka Banaadir uu diiwaan-gelin ku sameyn doona dhamaan garaashyada la isticmaalo iyo kuwa aan la isticmaalin ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo goobaha lagu xareysto gawaarida, gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada dhaca fooraha magaalada sida; Kaxda, Dharkenley, Deyniile, Daaru-Salaam, Yaaqshiid, Garasbaaley, Heliwaa iyo Gubadley.”

Waxa uu intaas kusii daray “Maamulka gobolka waxa uu diiwaan-gelin ku sameyn doona dhamaan guryaha aan la daganeyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo kuwa darbiyada ay ku wareejisan yihiin.”

Sidoo kale waxa uu maamulka faray mulkiilayaasha garaashyada ku yaalla degmooyinka dhaca fooraha magaalada in aan laga dhex fulin karin falal lidi ku ah amniga caasimada, sida in wax laga soo dhex tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa.

“Mulkiilayaasha guryaha aan la daganeyn iyo kuwa darbiyada ku wareejisan waxaa looga digayaa in dhexdooda laga fuliyo falal lidi ku ah amniga, sida in wax laga soo dhex tuuro ama in lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.”

“Darbiyada ku wareejisan dhulalka aan deegaanka aheyn waxaa cidda mulkiyadeeda iska leh lagu wargelinayaa in darbigaas ka dheereyn karin hal mitir, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa iyo waxa dhexdiisa ka socda si aysan u dhicin in laga dhex fuliyo falal ammaanka qalqal-gelinaya.”

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in goobahaasi kor ku xusan haddii lagu dhex sameeyo arrimaha looga digay ee carqaladeynaya amniga caasimada, uu maamulka gebi ahaanba la wareegayo, ayada oo cidda mulkiyadda iska lehna lala tiigsan doono sharciga.

The post Maamulka gobolka oo shaaciyay inuu la wareegayo goobo ku yaal Muqdisho haddii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this