Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo tababar usoo xiray saraakiil cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
369720120_654673446761805_10327631056656

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo tababar ku qaaday Xerada Tababarka Ciidanka ee TurkSom.

Xamza ayaa ka qayb-galay munaasabad si heer heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Kuliyadda Tababarka ee TurkSom, taas oo uu sidoo kale joogay safiirka Turkiga.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa u hambalyeeyay saraakiisha cusub ee la tababaray, wuxuuna kadib u jeediyay dardaraan culus.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiritaanka tababarkooda uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana baahi weyn loo qabo saraakiil dhalinyaro ah oo hoggaamisa ciidanka difaaca Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u howlgeli doonaan, isla-markaana looga baahan yahay inay u adeegaan dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan idin-kula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey dadaalka ay muujiyeen, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka.

368833853_307963988556956_41276816083986 369329445_307963835223638_52324623323933 369726098_307963865223635_10844186866953 370210278_307963941890294_50038919201852 370379148_307963891890299_47416228280541 370437298_307963795223642_60576512148395 370598457_307964195223602_13999450398515 369325576_307964401890248_15146984647345

 

The post Sawirro: Xamza oo tababar usoo xiray saraakiil cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this