Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Somalia iyo India oo yeelanaya iskaashi cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
370428732_757721333061142_69225720080989

New Delhi (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed oo haatan ku sugan dalka India ayaa howlo shaqo ka wada dalkaasi, kuwaas oo la xiriira howlaha dhanka caafimaadka.

Wasiir Maxamed Xasan ayaa la kulmay  Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya oo ka wada-hadleen arrimo ku aadan iskaashi ay yeelanayaan labada dal.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa labada masuul waxa ay uga wada hadleen iskaashiga oo ku qotoma labada wasaaradood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Sidoo kale waxa ay isku afgarteen in laga wada-shaqeeyo iskaashi miro dhal ah sida dhanka daawada, tababaridda iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’adaha caafimaadka Soomaaliya.

Inta uu socday kulankan waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka oo ka hadlay is afgaradkan ayaa shaaca ka qaaday in faa’iido weyn ay ugu jirto Soomaaliya, maadaama la macaamileyso Inida oo kamid ah dowladaha ku horreeya xagga caafimaadka, ayna ku xiran yihiin Soomaali badan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in wasaaradduu ay ku dadaali doonto sidii ballaarin lahaa iskaashigan cusub, si ay dadka Soomaalida u helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

S kastaba, iskaashigan ayaa muhiim u ah Soomaaliya oo kasoo kabaneysa dhibaatooyin ay la daala dhaceysa tan iyo burburkii, waxaana kamid ah dhicyadaas caafimaadka oo liitay.

370433004_757721233061152_89772151891371 370619283_757721309727811_23942770689390 370082122_757721283061147_83964580917341 370428732_757721333061142_69225720080989

The post Sawirro: Somalia iyo India oo yeelanaya iskaashi cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this