Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay haweenka ugu tegay Dhuusamareeb? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
ccc-3-1536x1024-1.jpg?fit=1536%2C1024&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka wada magaaladaasi, isaga oo qaabilay qaar kamid ah xubnaha ururka Haweenka Soomaaliyeed oo booqasho ugu tegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulankan ku helinayay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) , waxaana sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Agaasimaha Wacyi galinta Bulshada ee Madaxtooyada.

Howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ee ka la kulmay madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb u tegay garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ku booriyay haweenka dalka in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay joogaan xubnaha kooxda.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Al-Shabaab.

Xubnaha haweenka ee hadlay ayaa waxa ay ballan qaadeen in ay hareer joogi doonaan ciidamada qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay ciidamada huwanta ka dhaqaaqeen caasimada Glamudug ee Dhuusamareeb, ayna ku siiyeen dhanka degmada Ceelbuur.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh oo laba todobaad ka badan ku sugan Dhuusamareeb ayaa u tegay hoggaaminta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shababa.

368287045_788364306624522_51276403463063 368362837_788364313291188_71288436287465 369888582_788364153291204_61257904877711 370368517_788364133291206_62473350638869 370399811_788364096624543_17640609345482 370477476_788364079957878_33029090911432 370482042_788364286624524_10903168472064 ccc-3-1536x1024-1.jpg?resize=696%2C464&s

 

The post Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay haweenka ugu tegay Dhuusamareeb? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this