Deeq A. Posted August 24, 2023 Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolkaasi, xilli ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi. Xiisaddan ayaa timid, kadib markii ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgal ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda aagga magaalada Wabxo, waxayna ciidamada Danab weerareen deegaanka Ceel Gumad Gaal oo u dhow magaaladaasi. Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacay dagala u dhexeeyay ciidamada Danab iyo Xoogaga Al-Shabaab oo haatan dib loo sii raxayo, marka la eego gulufka ku socda ee Galmudug. Dagaalkan ayaa waxaa barbar socotay duqeyn iyo madaafiic lagu garaacay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan. Taliye ku xigeenka ciidanka kumaandooska Danab, Maxamed Sheekh oo ka hadlay howlgalldaas ayaa sheegay in duqeynta ay la eegteen saldhigyo ay Al-Shabaab ka difaacayaan degmada Ceelbuur, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare xoogleh. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Dac oo ka tirsan isla gobolkaasi, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana ujeedka uu yahay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanadaasi. Horay ciidamada huwanta ayaa waxay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ay kamid yihiin Wabxo iyo Coosweyne oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.The post Dagaal iyo duqeyn ka socda duleedka Ceelbuur appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites