Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay qaraar cusub iyo xubno ka mid noqonaya…

Recommended Posts

Deeq A.   
370187999_654618130100670_85170685230318

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha.

Shirka ayaa waxaa ugu horreyntii lagu ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Xubnahaas ayaa kala ah Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow), Faysal Cabdulaahi Warsame iyo Maxamed Xasan Cumar.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa maanta kulankooda ku meel-mariyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga mira dhaliyo hiigsiga 2060.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Wasiirada ayaa warbixin la xiriirta wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah Al-Shabaab ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa golaha la wadaagay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan si dardar leh uga socdo guluf dagaal oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in lagu tir tiro Al-Shabaab.

369272098_654618203433996_42648988664262 369846187_654618176767332_87565166727614 369867328_654618256767324_11925616341908 369880183_654618220100661_35424056417578 370187999_654618130100670_85170685230318 370398160_654618166767333_70618500743165

The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay qaraar cusub iyo xubno ka mid noqonaya… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this