Duufaan Posted June 15, 2010 Warar Sheegaya in uu Geeriyoodey Sarkaalkii dadka ku Xasuuqay B/Hadhac Tuesday, June 15, 2010 Warar ay noo soo gudbiyeen ilow ku dhaw dhaw saraakiisha Sar sare ee maleeshiyaadka Soomaalidiidka ayaa waxay tibaaxayaan in hawlgalkii 12ki bishan aynu ku jirno ay fuliyeen Guutada Ismaaciil Mirre ee uu hogaamiyo Halyeye Kayse Cabdi Yuusuf uu ku nafbaxay mid ka mid ah saraakiishii sar sare ee maleeshiyaadka Soomaalidiidka. Saraalkan oo lagu magacaabi jirey Caare isla markaana ka soo jeedey beesha Sacad yoonis ee ***** ayaa la sheegay in uu ku dhintay hawlgalkaas, Caare wuxuu ahaa ninkii hogaaminayey ciidankii xasuuqa ka geystey Bali hadhac halkaas oo ay ku dileen dad shacab ah oo ay ku jirtey Islaan Umul ah iyo caruuri. Warku wuxuu intaas ku daraya in Caare uu markoo hore soo gaadhay dhawaac, kaasoo uu ugu dhintay Cisbaal ku yaala Hargaysa ka dib markii laga sii gudbiyey Burco. Waxaa la sheegay in Caare loo qal qaalinayey cisbaal debeda ah sida Nairobi ama Adis Ababa laakiin hor qaaditaankisii uu nafbaxay. Dhawaan ayey ahayd markuu Taliyaha Guutada ma soo jeestayaasha ee Ismaaciil Mire Mujaahid Kayse Cabdi Yuusuf uu sheegay in ay hayaan xog sheegaysa in uu geeriyoodey sarkaalkii watay Ciidamadii la mirey todobadankan. Caare ayaa waxaa lagu xasuustaa dhibaatooyinkii faraha badnaa ee uu ku hayey shacabka Laascaanood iyo kan SSCba, asagoo ahaa ninka uu ugu kalsoonida badnaa Daahir Riyaale ee ka hawlgala gobolka Sool. Waxaana dhimashadiisani ay meesha ka saaray qayb ka mid ah dhibaatooyinkii uu ku hayey Guud ahaan shacabka SSC. Quote Share this post Link to post Share on other sites