Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag waxa aan ku maali aqaan ama ku maamuusi

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20230824-WA0000-300x300.jpg

“RAG WAXAAN KU MAAALI AQAAN
AMA KU MAAMUUSI
MASE INAANU NAHAY OO TOLNIMO
MEERTO NOO TAHAYE”
Garaad Axmed Sh. Cali

Beesha Isaxaaq Carre waa saddex oday oo kala ah
1-KALIIL ISAXAAQ
2-QAASIN ISAXAAQ
3-CABDALLE ISAXAAQ.

Hadaba sida caadada u ah beelaha Somaliland, marka magac reer lagu soo saarayo war murtiyeed, waa inay cid muhiimi ka joogtaa dhamaan jilibada ay ka koobantay beeshaasi,

Sidaa darteed maadaama aanay labada ardaa ee: Qaasin Isaxaaq iyo Kaliil Isaxaaq, cidi ka joogin shirkii lagu qabtay Ambaasatoor, hadana war murtiyeedkii lagu soo saaray magacii guud ee ISAXAAQ CARRE,
Aniga oo ah: Garaad Sh Axmed Cali Aadan
ayaa xaal iyo Apologize ka siinaya walaalahay qaladkaa dhacay!
Marnba ma qurux badana in cid gaari ku hadasho Afka beesha iyadoon talada ku simin dhamaan dhinacyada ay khusayso.
GUNAANAD: aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca inta ila aragtida ah waxan soo jeedinayaa dhawrkan qodob:
1-Magaalada Hargaysa waa caasimaddi jamhuuriyadda Somaliland,sida uu dhigaayo qodobka 3 aad ee Distoorka Somaliland,sidaa darteed waa khalad inay kala sheegtaan dadka reer Somaliland.
2-Hadii ay suurta gal tahay inay cid gaari sheegato magaalada Hargaysa,waxa xaq u yeelanaya dadka ku leh hantida ugu badan.
3-waxaan ugu baaqayaa Xukuumada iyo dhamaan shacabka reer Somaliland,inay ka hawl galaan joojinta dagaalka 7 da bilood ka socda Laascaanood, ee sababay khasaaraha badan ee naf iyo maalba leh, sidoo kale waa in laga hor tagaa colaad sokeeye oo ka bilaabanta, meelo kale oo dalka ka mid ah,
4- Ugu danbayn si looga gudbo cakirnaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta, waa in muxaafid iyo mucaaridba loo dhaga nuglaadaa talooyinka iyo xalka ee keenaan ergooyinka ku hawlan u kala dab qaadka iyo isu soo jiidka dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyin.
اللهم أصلح ذات بيننا ووفقنا لما تحبه وترضاه يا رب العالمين.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this