Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo Talaabadii u Horreysay ka Dhigay inuu Kulan gaar ah oo uu la yeeshay Beeshiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo Talaabadii u Horreysay ka Dhigay inuu Kulan gaar ah oo uu la yeeshay Beeshiisa
IMG-20230823-WA0008-300x200.jpg

Burco(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Hadhimo sharafeed u sameeyey Cuqaasha iyo Waxgaradka Degaanka Bariga Burco.

Kulankan muhiimka ah ayaa ka qabsoomay Hotelka Isha-Burco.

Kulankan oo ay Guddoomiyaha ku wehelinayeen Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Caddaaladda Saleebaan Warsame Guulleed, Guddoomiyaha Gobolka Togedher, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale ayaa si weyn la isugu xog-waraystay.

Kulankan ayaa ra’yulcaamka Togdheer ku dhaliileen Guddoomiyaha KULMIYE ahna Wasiirka Daakhiliga, waxaanay ku tilmaameen inuu yahay masuul wax walba ka horreysiiya reernimada, shirkana taas ka markhaati yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this