Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamza oo ballan-qaad horleh ka helay Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
369682223_654222683473548_67762103262049

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi.

Labad masuul ayaa waxay kulankaan uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Danjire Cabdalla ayaa dhankiisa ra’iisul wasaaraha u sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha carbeed midda ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka kuwa kalena la dhammeystiray.

369700502_654222620140221_65910087995577

369672977_654222910140192_61399307631592

369599791_654222436806906_56529988393258

369684413_654222536806896_89759435827154

369660483_654222440140239_15597900943834

369682223_654222683473548_67762103262049

The post Sawirro: R/W Xamza oo ballan-qaad horleh ka helay Qatar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this