Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo isu dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia

Recommended Posts

Deeq A.   
a25742f9-6bc0-4b60-b0b5-dfcbc474b162_w40

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu maalinimada Khamiista isu dhiibi doono masuuliyiinta gobolka Georgia, si loogu soo oogo dacwado la xiriirta, inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday sannadkii 2020, taas oo uu ku guul daraystay.

“Ma rumaysan karaysaan inaan Khamiista aadayo Atlanta, Georgia, si lay xiro” ayuu bartiisa internetka ku soo qoray madaxweyne Trump, saacado uun ka dib markii maxkamaddu ay sheegtay in Trump lagu sii dayn doono dammaanad lacageed oo gaadhaysa $200,000, ka dib marka uu maxkamadda iska soo xaadiriyo.

Sarkaal ka tirsan xafiiska booliska ee degmada Fulton ayaa u sheegay warbaahinta galabnimadii Isniinta, in marka Donald Trump uu isa soo xaadiriyo, in guud ahaan la xiri doono agagaarka xabsiga weyn ee degmadaas.

Sida ku cad waraaqaha maxkamadda ka soo baxay, waxaa Trump laga mamnuucay inuu u cago-jugleeyo dadka qaybta ka ah dacwaddan, markhaatiyada ama dhibbanayaasha, iyada oo laga mamnuucay, inuu u adeegsado warbaahinta bulshada, sida ku cad is-afgaradka dhex maray dacwad-oogaha degmada Fulton, Fani Willis, Garyaqaanada Trump iyo Garsooraha gacanta ku haya kiiskan.

PUNTLAND POST

The post Donald Trump oo isu dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this