Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda hoose ee Xamar oo saxiixday heshiis koronto looga dhalinayo Qashinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
25278cff-70d9-4f30-854c-8dd5029f1801-768

Dowladda hoose ee Xamar ayaa heshiis la gaartay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo ku aadan bilaabidda mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka magaalada Muqdisho, si loo helo xoog koronto tayo leh.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyradka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Ibrahim Maxamed Cali, mas’uuliyiinta shirkadda heshiiska lala galay, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa goob-joog ahaa heshiiska.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madasha ayaa xusay in heshiiskan uu waxtar wayn u leeyahay magaalada Muqdisho oo sanadihii dambe samaynaysay horumar wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyradka biyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Ibrahim Maxamed Cali ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu Xamar u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto.

PUNTLAND POST

The post Dowladda hoose ee Xamar oo saxiixday heshiis koronto looga dhalinayo Qashinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this