Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay Kenyaan lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Shuute.jpg?fit=1944%2C1296&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askari ku eedeysan dilka nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Kenya, kaas oo 20-kii bishii hore ee July lagu dilay agagaarka garoonka Muqdisho.

Askariga la xukumay oo lagu magacaabo Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa waxaa lagu helay dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya, kaas oo ahaa Ijineer, waxaana xilliga la dilayay uu ka shaqeynayay dhismo ku dhow garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Xasan Indha-yare ayaa waxaa loo haystay ka tagista goob shaqo fasax la’aan iyo inuu is-hortaag ku sameeyay shaqo dhismo ah oo ka socotay halkaasi.

Baare ka tirsan Booliska Soomaaliya oo kiiskan gacanta ku hayay ayaa ka hor sharraxay maxkamadda, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in Xasan dilka kadib uu baxsaday.

“Eedeysane Xasan Cabdiraxmaan Bistooladda ayuu kor u qaatay xabaduu riday, sida aan kasoo qornay marqaatiyaasha xabadda waxay ku dhacday ninka Kenyaatiga ahaa, daqiiqado kadibna waa baxay Xasan” ayuu yiri baare ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah ee saaxibka la ahaa Injineerka la dilay ayaa ka hor hadlay maxkamadda ciidamada, iyaga oo aad ugu mahadceliyay bahda garsoorka.

“Waxaa na gashay cabsi, mana fileyn in maalintaan oo kale ay ku jirto howlahga garsoorka ee ciidanka waxaan dalbaneynaa cadaalad, waxayna gogol xaar u tahay xaq u helidda saaxibkeenii hadalka jilicsanaa” ayay yiraahdeen qaar kamid ah shaqaalaha Kenyaanka ah.

Ugu dambeyn maxkamadda oo dhowr jeer dhageysatay dacwadda ka dhanka ah askarigan ayaa maanta ku xukuntay Xasan Indha-Yare Shan Sano oo xabsi Ciidan ah iyo magta, Fredrick Odhiambo Owino, taas oo la siinayo qoyska ninkaasi oo kasoo jeeda dalka Kenya.

The post Maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay Kenyaan lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this