Sign in to follow this  
Deeq A.

Ardayda Jaamacadda Byrco oo Su’aalo ku Boobay Madaxweyne Muuse

Recommended Posts

Deeq A.   

Ardayda Jaamacadda Byrco oo Su’aalo ku Boobay Madaxweyne Muuse
IMG-20230822-WA0003-300x200.jpg

IMG-20230822-WA0002-300x202.jpg

IMG-20230822-WA0003-1-300x200.jpg

Burco-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo su’aalo iyo jawaabo la isku weydaarsaday la qaatay ardayda jaamacadaha Burco iyo bahda aqooonyahanka ee gobolka Togdheer.

Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ee muddooyinkii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay magaalada Burco, ayaa caawa kulan su’aalo lagu weydiinayo la qaatay bahda aqoonyahanka ah ee magaalada Burco oo ay hormuud u yihiin hoggaanka Jaamacaduhu, waxana uu halkaas madaxweynuhu kaga jawaabay tiro su’aalo ah oo ku saabsan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, Beeraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Da’yarta aqoonyahanka ah ee reer Burco, ayaa caawa madaxweynaha si furan u weydiiyey su’aalo kala duwan oo ay u baahnaayeen in loo bayaamiyo, waxana uu madaxweynuhu ardayda iyo aqoonyahankii kale ee madasha ku sugnaaba siiyey jawaabo si fiican ay ugu qanceen.

Sidoo kale, waxa ardaydu su’aalo shaqadooda ku saabsan weydiiyeen xubno wasiirro xukuumadda katirsan oo kulanka ku wehelinayey madaxweynaha qaranka, kuwaas oo bixiyey jawaabo waadix ah.

Munaasibadan oo lagu qabtay barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada Burco ayaa waxa xusid mudan in kulanku ku bilaamay jawi rooban kuna dhamaaday roobkii oo da’aya haseyeeshee aanu kulanku istaagin si ay ardaydu uga bogtaan su’aalaha ay madaxweynaha Qaranka Somaliland waydiinayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this