Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo tallaabo qaaday kadib qaraxii maanta + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
369056446_756871106479498_74633796368245

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib qaraxii xooganaa ee maanta lagu bartilmaameedsaday xarunta dhul-bixinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose ee Xamar, oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataaro.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qaraxaas oo saaka dhacay kadib kulan isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga, si looga hadlay xaalada caasimada iyo ka hortega weerarada Al-Shabaab

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taliyeyaasha Booliska iyo Nisa ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale  taliyaha ciidamada xasilinta ee loo yaqaano Boolis Milataaro.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ku boggaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen qaraxii maanta oo uu tilmaamay in kooxda la damac-saneyd in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah.

Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada iyo weerarada ay ka geysan karaan gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu socday kulanka warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda caasimad aMuqdisho.

Weerarkii maanta ayaa waxaa loo adeegsaday gaariga nooca Toyota Land Cruiser oo ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi), kaas oo ku qarxay Ifka Xalane, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, isagoo isku dayay inuu xoog ku dhaafo goobtaasi.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay hal qof oo dhimasho ah, kaasi oo ahaa shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo ahaa dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa.

“Khasaaraha meesha ka dhashay waxa uu ku eeka xaruntaasi oo ay ku shaqeyneysay shirkada ka shaqeysa nadaafada maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa indhawaanahan ka dhacayay weeraro kala duwna oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo intooda badan ay sheegatay Al-Shabaab.

368946431_756871133146162_39794443196328 369038241_756871139812828_53891353075986 369056446_756871106479498_74633796368245 369057710_756871113146164_74833377863610 369261243_756871153146160_62149216617063 369852213_756871159812826_79784476506022

The post R/W Xamza oo tallaabo qaaday kadib qaraxii maanta + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this