Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland oo ka Hadashay weerar huwantu ku soo Qaaday Ciidanka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland oo ka Hadashay weerar huwantu ku soo Qaaday Ciidanka Qaranka

Hargeysa(Qaran news)-Dawladda JSL oo ka hadashay dagaal kooxaha Huwanta ah oo kaashanaya maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa dagaal ku soo qaaday fadhiisimada ciidanka Qaranka JSL xalay iyo maanta.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu cambaareeyey dagaalkaasi kooxaha argagixisada iyo maamulka Puntland ku soo qaadeen ciidamada Qaranka.

Wasaaradda Gaashaan-dhigu waxay sheegtay inay beesha caalamka ku wargelinayso inay la socdaan ficilada colaadeed ee kooxaha huwantu ja wadaan gobolka Sool.

Waxa kaloo Wasaaradda Gaashaan-dhigu sheegtay inay huwantu doonayaan inay khalkhaliyaan JSL iyo guud ahaan gobolka oo dhan.

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay balan-qaaday inay dhulkeeda ka difaacayso huwantaas is garabsanaysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this