Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo ka hadashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faafaahinta ka bixisay qarax ismiidaaminta ah oo saaka ka dhacay xarunta dhul bixinta dowladda hoose ee Xamar oo ku taalla Isgoyska Ifka Xalane.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in AS ayaa saaka gaari ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa oo noociisu yahay Toyota Land Cruiser, gaar ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi, ku weerareen xarunta dhul bixinta dowladda hoose ee Xamar oo hadda ay dagan tahay shirkad ka shaqaysa nadaafadda oo lagu magacaabi Ifo.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta, wuxuuna intaas ku daray in ay socoto baaris la xiriirta nooca uu qaraxaas ka koobnaa iyo sida uu goobtaas ku soo gaaray.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Doodishe

PUNTLAND POST

The post DFS oo ka hadashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this