Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dayax-gacmeed Ruushka leeyahay oo ku dul burburay…

Recommended Posts

Deeq A.   
3960376-1852354576.jpg?fit=670%2C391&ssl

Moscow (Caasimada Online) – Dayax gacmeed lagu magcaabo Luna-25 oo Ruushku leeyahay ayaa ku dul burburay dayaxa dushiisa, sida ay sheegtay wakaaladda sahanka hawada sare ee Ruushku.

Wakaaladda ayaa sheegtay in si aan hore loo sii saadaalin uu u dhaqaaqay dayax-gacmeedku, ka dibna la waayay isgaadhsiintii lagula xidhiidhayey, isaga oo ugu dambayn ku dhacay oogada sare ee dayaxa.

Sabtidii ayay ahayd, markii ay wakaaladda sahanka sare ee Ruushku ay sheegtay inay lumisay xidhiidhkii ay la lahayd dayax-gacmeedka.

Aaladan loo diray hawada sare ayaa loo qorsheeyey inuu ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa, maalinnimada Isniinta, iyada oo la filayo in toddobaadkan dhammaadkiisa uu isna dayaxa gaadho, dayax-gacmeed kale oo laga leeyahay dalka Hindiya.

Saynisyahannada ayaa aad u xiisaynaya inay xog badan ka helaan cidhifka koonfureed ee dayaxa, iyaga oo aaminsan inay suuro gal tahay in halkaas laga helo biyo.

Biyahaas ayaa la sheegay in mustaqbalka loo isticmaali karo in loo bedelo hawo ay isticmaalaan cirbixiyeenadu iyo weliba shidaalka ay ku shaqeeyaan gantaallada xambaara dayax-gacmeedada.

Dayax-gacmeedkii ugu dambeeyey ee Ruushku uu dayaxa u diro ayaa ku beegnayd sannadkii 1976, xilligii uu dalkaas ka talinayey Midawgii Soofiyeeti.

Warbixinadan waxaa laga soo kala xigtay AP iyo Reuters + VOA.

The post Xogta dayax-gacmeed Ruushka leeyahay oo ku dul burburay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this