Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo safar aan la shaacin u baxay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1692693490453.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, Xasan Yuusuf Nuur ayaa saaka oo Talaado safar aan la shaacin ugu baxay dalka dibaddiisa.

Ilo wareedyo ku sugan garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa noo xaqiijiyay in guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah uu saaka ka dhoofay garoonka, isaga oo ku wajahan dalka dibaddiisa.

Safarka guddoomiyaha ayaa imaanaya, xilli ay maxkamadda dastuuriga ah horyaallan dacwado kala duwan oo dhawaan loo gudbiyay, balse aysan weli wax go’aan ah ka gaarin.

Safarka ayaa sidoo kale ku soo beegmaya, iyadoo shalay qaar kamid ah 8-dii xildhibaan ee laga saaray Baarlamanka Puntland ay dhaliilo u jeediyeen guddoomiye Xasan Yuusuf.

Waxay ku eedeeyeen in uu hor-taagan yahay go’aan ka gaarista kiiska dacwad cabasho ah oo ay u gudbiyeen maxkamadda dastuuriga.

Maxkamadda ayay sidoo kale ku eedeeyeen in aysan ahayn mid dhex-dhexaad ah oo ay gacanta ugu jirto madaxweyne Siciid Deni.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo safar aan la shaacin u baxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this