Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gabiley oo Bogaadiyay Hoggaanka Cusub Ee KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gabiley oo Bogaadiyay Hoggaanka Cusub Ee KULMIYE

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Gobolka Gabiley mudane Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye ayaa Hambalyeeyay Ma’suulyiinta Lagu Doortay Shirka 8aad ee Golaha Dhexe Xisbiga Kulmiye.

Ugu horayn wuxuuu bogaadiyay hanaanki uu u qabsoomay shirka xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye ee lagu qabtay magaalada Burco.

Intaasi ka dib wuxuu Hambalyo iyo duco iskugu daray Musharaxa Madaxweynaha iyo Murashaxa Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ahna madaxweynaha JSL ee Hada talada Dalka haya iyo Mudane Maxamuud Xasan (Saajin).

Dhinaca kale wuxuu Hambalyeeyay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo dhamaantood lagu doortay shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey magaalada burco

Waxaanu alle uga baryay in xilkaa alle ku asturo
Iyo Mas’uuliyaddaa ay qaadeen

Maanta Guul Iyo Gobonimo ayaa u soo hoyatay taagerayaasha Xisbiga kulmiye iyo guud ahaan Shacabka Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this