Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Donald-Trump.jpg?fit=1500%2C1000&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu maalinimada Khamiista isu dhiibi doono masuuliyiinta gobolka Georgia.

Sababta ayaa lagu sheegay si loogu soo oogo dacwado la xidhiidha, inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday sannadkii 2020, taasi oo uu ku guul daraystay.

“Ma rumaysan karaysaan inaan Khamiista aadayo Atlanta, Georgia, si lay xidho,” ayuu bartiisa internetka ku soo qoray madaxweyne Trump, saacado uun ka dib markii maxkamaddu ay sheegtay in Trump lagu sii dayn doono dammaanad lacageed oo gaadhaysa $200,000, kadib marka uu maxkamadda iska soo xaadiriyo.

Sarkaal ka tirsan xafiiska booliska ee degmada Fulton ayaa u sheegay warbaahinta galabnimadii Isniinta, in marka Donald Trump uu isa soo xaadiriyo in guud ahaan la xidhi doono agagaarka xabsiga weyn ee degmadaas.

Sida ku cad waraaqaha maxkamadda ka soo baxay, waxaa Trump laga mamnuucay inuu u cago-jugleeyo dadka qaybta ka ah dacwaddan, markhaatiyada ama dhibbanayaasha.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay inuu u adeegsado warbaahinta bulshada, sida ku cad is-afgaradka dhex maray dacwad-oogaha degmada Fulton, Fani Willis, Garyaqaanada Trump iyo Garsooraha gacanta ku haya kiiskan.

The post Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this