Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta ka dambeysa beegsiga Sheegoow iyo qorshaha uu billowga u yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
369463315_1359049508024032_2408043708441

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu heer xukunka siyaasadeed ee Soomaaliya ku soo biiray 2012-kii, markaas oo qeyb kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay yaaleen isbaarooyin, kuwaasi oo nidaamkiisa hore u bareeray inuu qaado dhamaan wixii isbaaro yaallay caasimada.

Markaas oo aheyd xilligii lasoo afjaray guud ahaan dhaqankii isbaarooyinka ee magaalada Muqdisho. Isla kal xukunkiisi hore waxaa ku suntan inay gacanta iskula tageen rag hub badan ku haystay caasimada.

Raggaasi waxaa kamid ahaa; Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo hub iyo ciidan badan ku haystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Waxa kale oo la xasuusta wixii uu Cabdi Nuure Siyaad kala kulmay dowladdaas, kaas oo isna haystay ciidan hubeysan.

Weliba Cabdi Waal oo dowladdaas ka baxsaday ayaa looga daba tegay Kenya, halkaas oo laga soo qabtay. Xilligaas dad badan ayaa isku dayay inay qabiileyaan weeraradii lagu qaaday Axmed Daaci iyo Cabdi Waal, laakiin Xasan Sheekh wax badan uma dhimin sheekooyinkii xilligaas ee la isku dayay in magacyada qabiilka loo bixiyo.

Dadka yaqaana hanaanka hoggaamineed ee Xasan Sheekh waxay sheegaan inay marwalba isku dayo inuu awoodaha hubka soo gaabiyo oo uu nidaamka dowliga ah hubka gacantiisa ku hayo. Si gaar ah Xasan Sheekh wuxuu u muuqda siyaasiga ugu laxowga badan caasimada ee marwalba isku daya in amniga Muqdisho maaro loo helo, taasina waa sababta ay marwalba iskugu dhacaan isaga iyo ragga hubka ku haysta magaalada Muqdisho.

Barnaamijkii xasillinta caasimada ee muddo xileedkiisi hore waxaa la xasuusta inuu dhaliyay in rag badan oo hubeysnaa ay u guuraan dhabka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyaga oo fahamsan in aanay caasimada wada qaadi karin iyaga iyo Xasan Sheekh.

Haddii madaxweyne Xasan Sheekh kal-xukunkiisi hore ku bilaabay Axmed Daaci, kal xukunkaana waxa uu ku bilaabay Sheegoow, oo ahaa sarkaal hubeysnaa oo dhinac ka deganaa caasimada, kaas oo ciidan ka amar qaata dhowr jeer lagu eedeeyay dhac iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkii uu maray Axmed Daaci, ka soke iyo ka xagge midna uma badna inuu ku dhamaan doono kiiska Sheegoow. Balse sheekada xiisaha leh waa inuu Xasan Sheekh markale farriin u diray ragga hubeysan ee Muqdisho jooga, kuwaas oo ciidankooda ay marar badan ku lug yeesheen falal amni darro ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorshe amni oo gaar ah u dejisay caasimadda, waxaana 17 degmo loo qeybiyay ciidanka loo yaqaano Boolis Militaaro, Nabad-sugid dharcad ah iyo Booliskii la yaqaanay, taas oo xalisay baabuurtii qaraxyada siday ee kasoo gudbi jiray waddooyinka caasimada, kadibna sababi jiray inay shacabka boqol boqol u dhintaan.

Haddana waxaa muuqata inay dowladda qorshaheeda ku lifaaqday hoos u dhigista ama cirib-tirka ragga hubka badan ku haysta magaalada Muqdisho ee ciidankooda qeybta ka yihiin amni darrada magaalada Muqdisho.

The post Sababta ka dambeysa beegsiga Sheegoow iyo qorshaha uu billowga u yahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this