Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo u jawaabay hoggaamiyaha Al-Shabaab ee Gobollada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan-Cabdishakuur.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimadan Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa u jawaabay hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee gobollada dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu dhageystay khudbad uu jeediyay ninkaasi, taas oo uu ku weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inuu isku diraayo beelaha wada daga Galmudug, uuna rabo inuu Hiraab uu gacan geliyo dhulkaasi.

“Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?” ayuu qoraal ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishauur.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa iswaydiin mudan  maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?”.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in tani ay muujineyso in kooxda Al-Shabaab ay mareyso meeshii ugu dambeysay, ayna wajaheyso culeys aad u xoogan.

“Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan” ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Halkan hoose ka akhriso:-

Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?.

Waxaa iswaydiin mudan  maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?

Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.

Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow kun Soomaali aaga Zoobe kaga dilay, waa kuwii hal doorka Soomaaliyeed ee sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsan jiray.

Waa kuwii Soomaali gumeeyey, gobbonimo u diiday,  badayna in ay filkeed gurmad ciidan ka barido. Waa kuwii sababay in 3 malyan oo Soomaali ah dalka gudihiisa colaad, oon iyo gaajo ugu barakacaan. Waa kuwii magac dilay Musxaf, Masjid iyo Minbar diineed.

Cabsida, calaacalka iyo  catawga  kooxda wuxuu dhiirranaan siinayaa ciidanka xoogga dalka (CXD), iyo cududda macawiislay. Wuxuu yididdiilo u yahay dadka ay 15-ka sano dulmi, dullayn iyo darxumo la duljoogeen.

Waxaase lagama maarmaan ah in hoosta laga xariiqo halbeegga guusha xorayn oo keli ah maaha, ee waa xorayn, xajin iyo xasilin wada socda. Waa in aysan dhicin in degaan argagexisada laga xoreeyey aysan dib u qabsan, dadkii la dirirayna ka aargudan.

The post CC Shakuur oo u jawaabay hoggaamiyaha Al-Shabaab ee Gobollada Dhexe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this