Deeq A. Posted August 21, 2023 Gurmad loo Galay Nin ku Dhacay Berkad Gabiley(Qaran news)- Ciidanka Dabdemiska ayaa si degdega ugu gurmaday abaaro 9:12 Subaxnimo, hasayeeshee Maydka ayaa ku jiray Barkada Wakhti dheer, waxaana Ciidamada Dabdemisku Maydkii ka soo saareen Barkada. Intaa kadibna ciidanka Dabdemiska ayaa ku wareejiyay Ciidamada Dambi-Baadhista Booliska gobolka Gabiley, iyadoo la geeyay Cisbitaalka magaalada Gabiley. Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Cabdiraxmaan Ismaaciil Xasan, da’adiisuna ahayd 35 Jir. Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumkaasi, Alle Naxariistii Janno haka waraabiyo, Jannatul Fardawsana ha geeyo. Ninka ayaa Barkada Habeenimadii xalay ku dhacay, waxaana ciidamada Dabdemiska lagu soo wargeliyay Subaxnimadii saaka 9:15.Hadaba Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa in goor hore la soo sheego gurmadka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites