Sign in to follow this  
Deeq A.

Gurmad loo Galay Nin ku Dhacay Berkad

Recommended Posts

Deeq A.   

Gurmad loo Galay Nin ku Dhacay Berkad
IMG-20230821-WA0003-300x224.jpg
Gabiley(Qaran news)- Ciidanka Dabdemiska ayaa si degdega ugu gurmaday abaaro 9:12 Subaxnimo, hasayeeshee Maydka ayaa ku jiray Barkada Wakhti dheer, waxaana Ciidamada Dabdemisku Maydkii ka soo saareen Barkada.

Intaa kadibna ciidanka Dabdemiska ayaa ku wareejiyay Ciidamada Dambi-Baadhista Booliska gobolka Gabiley, iyadoo la geeyay Cisbitaalka magaalada Gabiley.

Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Cabdiraxmaan Ismaaciil Xasan, da’adiisuna ahayd 35 Jir.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumkaasi, Alle Naxariistii Janno haka waraabiyo, Jannatul Fardawsana ha geeyo.

Ninka ayaa Barkada Habeenimadii xalay ku dhacay, waxaana ciidamada Dabdemiska lagu soo wargeliyay Subaxnimadii saaka 9:15.Hadaba Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa in goor hore la soo sheego gurmadka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this