Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo laga xoreeyay deegaano cusub iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howl-gallo ballaaran kula wareegay deegaano cusub oo ay hore gacanta ugu hayeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa howl-galkaan waxay kula wareegeen dhul ballaaran oo isugu jira deegaanno iyo tuulooyin ay kamid yihiin Jaaw, Daadaale Habarcirir iyo Xilin-Fardood, oo dhamaantood hoostaga gobolka Galgaduud.

Deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen.

Howl-galkaan ayaa imaanaya xilli ciidamadii toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur.

Ciidamada oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa wata gaadiid fara-badan, oo isugu jira kuwa ciidamada lagu daabulo iyo kuwa kale ee dagaalka.

Ciidamadan oo loo dhameystiray saadka iyo sahayda ay u baahnaayeen ayaa waxaa duleedka magaalada ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo dhowr kun oo askari gaaraya ay hadda kulaalayaan deegaanka Ceel La helay, oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada ugu talagalay in ay maleeshiyada Al-Shabaab ka sifeeyaan deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan Ceelbuur.

Ciidamadu waxay la howl-galayaan ciidamada kale ee jihooyinka waqooyi iyo koonfureed kaga sii siqaya magaalada Ceelbuur, waana ciidamada ka kala baxay degmooyinka Maxaas iyo Guriceel ee ku wajahan deegaanada Wabxo, Jaaw iyo Burujeed, ayna tahay in Shabaabku ka suuliyaan deegaanada fogfog, sida miyiga iyo dhulka lama deggaanka ah, illaa iyo inta ay ka gaarayaan Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaan si dhakhsi ah ula wareegi doonin Ceelbuur, iyada oo aanay taako taako u xaqiijin goobaha lagu tuhmayo in Shabaabku ku dhuumaaleysan karaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doona gulufka lagu dhiig bixinayo Shabaab. Madaxweynaha ayaa Galmudug u jooga, sidii xididada loogu siibi lahaa Shabaabka ka hawlgala Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rajo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

The post Al-Shabaab oo laga xoreeyay deegaano cusub iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this