Deeq A. Posted August 21, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laba habeen ka hor weeraray guri uu deganaa sarkaal lagu magacaabo Sheegoow oo ku yaallay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ninkaan ayaa haystay ciidan hubeysan oo illaa soddomeeyo ah, wax xil uma haynin dowladda, waxaana afhayeen dowladda hadlay uu sheegay inuu yahay kabtan hore oo ciidanka xoogga dalka. Ninkan ayaa gacanta lagu dhigay. Weerarkaasi waxaa ku dhintay laba kamid ah ciidankii uu haystay Sheegoow iyo hal askari oo kamid ah ciidanka amniga caasimada, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad toban kale oo labada dhinac ah, sida uu xaqiijiyay afhayeenka Booliska Soomaaliya. Sheegoow iyo intii bedqabtay oo ciidankiisa aheyd ayaa la qabtay, dowladda waxay ku eedeeysay ninkaan iyo ciidankiisa saddex qodob, kuwaasi oo kala ah. 1. In ciidankiisa qeyb ka qaadanayeen amni darrada magaalada Muqdisho. 2. In burcadka dhaca iyo dilalka ka geysata magaalada Muqdisho ee ka baxsada cadaaladda inay gurigiisa ku dhuuman jireen oo uu gabaad siin jiray. 3. In gurigiisa laga soo helay dollar-ka madow ee la dhaqo. Eedahaan waxaa aqriyay afhayeenka Booliska Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay goobtii laga soo qabtay Sheegoow. Waxaana uu sheegay in loo gudbinaayo maxkamadda awoodda u leh inay qaado kiisaskan. Magaalada Muqdisho waxaa laga yaqaana dhowr sarkaal oo dhamaan haysta ciidan hubeysan, kuwaasi oo iyaga iyo ciidankooda lagu eedeeyo dilal, dhac iyo qalqal-gelin amni. Hubka ay haystaana kuma fuliyaan siyaasadda dowladda markaas jirta ama wax dan u ah amniga caasimada. Haddaba, maxaa laga baran karaa howl-galkii habeen hore? 1. Xasan Sheekh iyo xubnaha hubeysan Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la xasuusta inuu madaxweynaha amray in tallaabo laga qaado dhowr sarkaal oo loo haystay inay door ka qaadanayeen amni darrada caasimada, qaarna isbaaro u taallay. Xalay waxay fahmeen ragga hubka haysta ee Muqdisho ku sugan inuu Xasan Sheekh weli qodobkaas ku taagan yahay, oo uu kusoo wajahan yahay kuwa hubka haysta ee aan ku fulin qorshah dowladda. 2. Caasimad hal gacan ku jirta Weerarkii habeen hore wuxuu cadeynayaa in caasimada aanay gacmo badan isla sii walaaqi doonin. Mid kamid ah saraakiisha sida Sheegoow hubka ku haystay Muqdisho ayaa la sheegay inuu dhawaan ciidankiisi ula baxay dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe, maadaama uu haysto faham ku saabsan in Xasan Sheekh uusan ogoleyn inay gacmo badan wadaagan amniga caasimada. 3. Qoddobka saddexaad waa xujo Maadaama ay jiraan rag kale oo sidaan oo kale hubeysan oo Muqdisho jooga waxaa la eegaya sida dowladda u wajahdo xubnahaas kale, taas oo ah xujo hortaalla dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.The post Laba cashir iyo hal xujo oo uu dirayo weerarkii Sheegoow appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites