Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xiisadda ka dhalatay xarigga SHEEGOW oo kusii fideysa dalka + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
2023821638281915805925100.jpg?fit=660%2C

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhalatay xarigga jeneraal Sheegow Axmed Cali oo gashay maalintii labaad oo xiriir ah ayaa haatan kusii fideysa dalka, gaar ahaan meelo ka baxsan gudaha magaalada Muqdisho oo ah halka lagu xiray sarkaalkaasi.

Dibadbax ay dhigeen dadweyne careysan oo kasoo horjeedo xarigga Sheegow ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay isugu baxeen dadweyne kamida beesha uu ka soo jeedo jananka ay soo xirtay dowladda dhexe.

Waxaa la arkayay dibad-baxayaasha oo lugeynayaa waddooyinka waa weyn ee magaalada, isla-markaana dalbanaya in lasoo daayo sarkaalka la xiray oo dagaal lagu soo qabtay.

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe ay dibad-baxyada isku rogeen rabashado xoogan, waxaana isku dhacay ciidanka amniga iyo dadweynaha, taas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 1 qof oo ka mid ahaa dadweynaha dhigayay dibadbaxa ayaa geeriyooday laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugna xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Mid kamid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka ay isugu soo baxeen, wuxuuna tilmaamay in ay tahay in cadaalad uu helo Sheegow Axmed.

“Maanta wuxuu mudaharaadkeena ka socdaa magaalada Beledweyne, waxaan isugu soo baxnay mudaharaad nabad ah, shacabkana inay arkaan, runtii reer Hiiraan aad ayay noo taageersan yihiin haddaanu nahay beelaha Jareerweyne ” ayuu yiri mid kamid ah dibadbaxayaasha.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in sii wadi doonaan banaanbaxyada, inta laga soo deynayo jeneraalka, ayna ka daba tagi doonaan dadka xirtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Cid alla cidii ka dambeysay xarriga jeneraal Sheegow, insha allaah kama daba hari doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arrinta Jeneraal Sheegow ayaa hadda noqotay warka ugu weyn ee ka taagan gudaha dalka, waxayna ka dhalatay dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, kaas oo dhex-maray ciidamo uu watay sarkaalkaasi iyo kuwa ammaanka ee dowladda.

Booliska Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in Sheegow uu xirtay darajo been abuur ah, sidoo kalena uu ciidamo beeleed dhibaato ku hayay deegaanka ku heystay halkaasi, taas oo sii xoojisay xiisadda xoogan ee ka dhalatay xarigga sarkaalkaas oo xabsiga la dhigay.

The post Daawo: Xiisadda ka dhalatay xarigga SHEEGOW oo kusii fideysa dalka + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this