Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aanka DF Soomaaliya ay ku xireyso…

Recommended Posts

Deeq A.   
Jaamac-Xasan-Khaliif-scaled.jpg?fit=2560

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xireyso qaar kamid ah baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Saddexdaan bar ayaa shalay la ogaamiyey in dalka laga mamnuuco, inkastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xiray isticmaalka aaladahaas.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta.

Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internet-ka ayaa si weyn looga isticmaala gudaha Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankaan markii uu ka soo baxay wasaaradda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Jaamac Cabdiraxmaan Ducaale: Dhalinyaradu way idinka sii jeeda laakiin caadi noogu soo jeesta waaye, marka arrinkaan ka fiirsasho u baahan yahay.”

Aden Ibrahim Ahmed ayaa sidoo kale yiri “Marar badan ayaan is dhahe ma laxiro TikTok ugu danbayn waa laxire waa mahadsan tihiin.”

“Awooda aad waxaas ku xeraysaan xagee ka keenaysaan illeen wax gacan idinku jira oo aad maamushaan maba jiree. Wasaaradiina ayaaba magac uyaal ah maxay wax xirtaa,” ayuu yiri xasab Maxamed Cumar.

Cabdifataax Maxamed: “Amarkani ma dhaqan-gali doono iga qora.”

Najmo Ahmed Abdi

“Waa arin wanaagsan dhaqanka hala ilaaliyo iya sumcada dalka waxa kasii fiicnaan laheyd Snapchat in asigane laxiro anshax xumada dhan asey ka imaada,” ayey tiri Najmo Axmed Cabdi.

Salmaan Ibraahim: “Dhalinta Idinkaa shaqo siinaayo iisheega.” Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isna yiri “Mudaharaad iyo banaan baxyo isku diyaariya viva ciyal Xamar.”

“Arrintaan waxaa u fahmay wadanka iskaga taga ee wada tahriiba inta dhalinyaro ee ku hartay wadanka.”

Abdulkadir Sharif Turbac
Cabduqaadir Shariif: “Waan bogaadinayaa arintaas ee kuwa ka dhabeeya Allaha idin ka dhigo.”

Cabdiraxmaan Shiine ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Haddii intaas la xiro anagana dadka dhaceyna waa balan aaway dhalinyarada Internet-ka ku mashqulsaneyd is mujiya.”

“Waxaas iska hadal ayaan u arkaa horta awood ma u leedihiin inaad xidhaan,” ayuu yiri Deeq Aadan.

Sakariye Cabdi ayaa isna yiri: “Waa atrin looga baahnaa in ay qabtaan mar hore ragga ku shaqada leh waana bogaadinayaa arintaas, waayo TikTok dhalinyaro badan ayuu .ustaqbal la’aan ku ridey sidoo kale Telegram fisqigiisa ayaa aad u soo batay baryahaan.”

“Hala xiro aaladahaas waayo, kumanaan Soomaali ah ayaa noloshii ka dhacay. dhalanyaradii hala badbaadiyo,” ayuu yiri Cali Siyaad.

The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay go’aanka DF Soomaaliya ay ku xireyso… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this