Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo guul ka gaaray doorasho ka dhacday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi.jpeg?fit=2048%2C1298&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha hadda talada haya ee Somaliland, Muuse Biixi ayaa mar kale loo doortay inuu msharrax u noqdo Xisbiga Kulmiye, kadib doorasho ay maanta xubnaha Xisbigaasi ku yeesheen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Muuse Biixi ayaa fursaddan waxay u sahleysaa inuu mar kale u tartamo doorashada madaxweynaha ee soo socota, isaga oo metalaya Xisbiga weyn ee Kulmiye.

Sidoo kale waxaa isna musharraxa madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye loo doortay Maxamuud Xasan Saajin oo kamid ah xubnaha firfircoon ee Xisbigaasi.

Biixi iyo Saajin ayaa wajihi doona tartan adag, maadaama ay doorashada kula loolami doonaan Xisbiyada kale ee kasoo horjeedo iyo kuwa la filayo in lagu dhawaaqo.

Dhanka kale, Xisbiga Kulmiye ayaa maanta yeeshay guddoon cusub, waxaana hoggaamiyaha Xisbiga loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo isna hadda ah wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Somaliland.

Kaahin ayaa olole xoogan u galay kursigan oo uu ugu dambeyn ku guuleystay, kadib markii uu garab ka helay madaxweyne Muuse Biixi oo ay haatan aad isugu dhow yihiin.

Madaxweynaha oo ka hadlay doorashada Maxamed Kaahin ayaa aad usoo dhaweeyay, wuxuuna dhaaciyay inuu mudan yahay in loo doorto guddoomiyaha guud ee Xisbiga,.

“Maxamed Kaahin 45 sanno ayuu qof soo dhisayay, cid maanta ka mudan majirto” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho xasaasi ah, taas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

The post Madaxweyne Biixi oo guul ka gaaray doorasho ka dhacday Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this