Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Guruuje oo Booqday Xarunta Ciidanka Debdamiska Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Guruuje oo Booqday Xarunta Ciidanka Debdamiska Hargeysa
IMG-20230820-WA0005-300x200.jpg
Hargeysa(Qaran news) – Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje), ayaa maanta booqasho ku tagey taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL ee magaalada Hargeysa, waxaa halkaa ku Qaabilay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili.

Ujeeddada kulankan ayaa salka ku haysay sidii xildhibaanku uu ugu kuurgali lahaa shaqada Ciidamada Dabdemiska Qaranka.

Xildhibaan Guruuje ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta loo sameeyay waxaanuu ciidamada Dab-demiska ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee nafhurka ah ee ay Qaranka u hayaan, waxaanu ku booriyay in ciidamadu dadaalka halkaa ka sii wadaan.

Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay hogaanka Maamulka iyo Maaliyada Amran Axmed Baashe.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this