Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo xireysa seddax ka mid ah baraha bulshada oo aad looga isticmaalo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xireyso qaar ka mid baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Tiktok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET ayaa maanta la ogaamiyey in dalka laga mamnuuco, in kastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xiray isticmaalka aaladahaas.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta.

“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.”

Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internetka ayaa si weyn looga Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankaan markii uu ka soo baxay wasaaradda.

be492654-d0bd-466a-a927-4ccaa50e23b5.jpe 6296a316-eee7-4755-894a-d18d9f71d968.jpe

The post DF oo xireysa seddax ka mid ah baraha bulshada oo aad looga isticmaalo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this