Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Ergo diidnimadiisu ma Dawladnimaa mise waa Ula kac

Recommended Posts

Deeq A.   

KHUDBADDA MUUSE EE BURCO WAA FARRIIN DAGAAL

INTAN IGA QORA

Burco, Muuse dhawr arrin ayuu kaga hadlay. Mid kaliya oo uu uga hadlay si dhab ah waxa uu damacsan yahay ma jirto. Nabad buu ka hadlay, nabad se ma doonayee colaad buu hadda diyaar u yahay. Taas ayaa sabab u ah daliishada uu daliishaday waxa uu Qisaasta ku sheegay, waxa uu ilaalinta dastuurka ku sheegay, fuleynimada uu isku sheegay, iyo dulqaadka uu sheegtay intaba. Saddexdan qodob aan ku macneeyo:-

1. Marka uu ku leeyahay “fuleynimo ayaan la igu sheegay” ama “dulqaad baa la igu ceebeeyaa” waxa uu rabaa inuu qiil u sii sameeyo dagaalka uu soo wado si dadku mardhow ugu arkaan nin la soo doontay oo wax iska celinaya. Tusaale ahaan, dib u raaca wixii uu ku hadli jirey arrintii Laascaanood kolkii ay bilowga ahayd. Mar kasta oo uu yidhaa “waa fuley baa la I leeyahay” weerar buu sii ahaa. Waa dhaqan hoosaasin ah oo uu yaqaano. Ka feejignaada weerarkiisa;

2. Arrinta qisaasta waxa uu u daliishanayaa dagaalka uu soo qaadi doono si dadku ugu arko inuu raadinayo cid dad dishay oo ay tahay in la qisaaso. Xaqiiqadu se waa inaanu shuqul ku lahayn axkaam diineed iyo fulinteeda toona. Taasi inay sidaas tahay, August 11, 2022 carruur iyo waayeel buu laayey, oo hadda qabriyada ku jira. Sow ma aha dhiig dad Muslimiin ah, oo ay tahay in loo qisaaso ciddii dishay, haddaan ehel cafin? Haa, dabcan. Kuwaa dadkii diley muxuu u keeni waayey ee loogu qisaasi waayey? Ma keenayo!Axkaam diineed fulinteed uma jeedo ee dhiig uu daadin doono ayuu hadda u sii qiil samaynayaa. Kolkaa ka feejignaada weerar buu soo yahaye;

3. Weerarka uu soo yahay waxa uu dadka ugu qiil samaynayaa waxa aan ilaalinayaa dastuur iyo wixii lagu heshiiyey. Ma isagaa dastuur ilaalinaya mise isaga ayay tahay in laga qabto dastuurka uu burburinayo? Dabcan, isaga ayay tahay in laga qabto. Ma ninka shan sanno la doortay ee ay ka dhamaatay ee keligii korodhsaday ayaa dastuur u jeeda? Maya! Ma ninka carruurtiisu dadka suuqa ka qafaalanayso ayaa dastuur u jeeda? Maya! Ma ninka maatida xoogga dhulka kaga qaadaya ayaa dastuur u jeeda? Maya! Ma ninka hadh cad carruurta wadooyinka ku tooganaya ayaa dastuur u jeeda? Maya! Dastuur uma jeedo ee inuu laabo ayuu u socdaa. Dagaalka uu soo wado ayuu se ugu qiil samaynayaa ee ka feejignaada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this