Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo eedeyn culus oo ku saabsan xiisada Laascaanood u jeedisay Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
Karaash.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo wixii ka dhacay, isagoo Muuse Biixi toos ugu eedeeyey inuu xasuuq ka geystay magaaladaas.

“Waxaad la socotaan in Laascaanood lagu soo duulay, xasuuq badan ayuu halkaas ka sameeyey maamulka Muuse Biixi, barakac iyo qaxooti badan ayaa ka dhashay xasuuqa ka socda Laascaanood,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Karaash ayaa sheegay inuu aad u cambaareynayo beegsiga uu maamulka Somaliland ku hayo dadka reer Laascaanood, isagoo u balan qaaday in Puntland ay garab istaagi doonto dadkaas intii karaan ah.

“Dowladda Puntland si weyn ayey isaga xil saartay arrinta Laascaanood, waxaan magacaawnay mar hore guddiyo si dhow ula socda xaaladda, dad aad u badan ayaa ku soo barakacay Puntland, waa soo dhaweynay waxaan ugu deeqnay hooy,” ayuu halkiisa ku sii daray Axmed Karaash.

Wuxuu sheegay in dhamaan carruurtii ka soo qaxday Laascaanood ee qoysaskoodu ay soo deegaansadeen magaalooyinka Puntland ay siiyeen waxbarasho bilaash ah.

“Arday badan 15,000 oo kasoo carartay colaada Laascaanood ayaa ku soo qaxday Puntland, waxaan siinay waxbarasho lacag la’aan ah, 3,000 oo ka mid ah waxay sanadkaan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah, taasina waa guul weyn,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu si weyn ugu mahad celiyey hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada ee u gurmaday dadka ka barakacay magaalada Laascaanood oo colaad adag wajahaya.

“Hey’adaha Laascaanood gargaarka ka wada waan amaanayaa, tan iyo maalinkii lagu soo duulay magaaladaas waxay hey’aduhu ka wadeen howl naf hurnimo leh, dhakterkii Bisha Cas ayaa lagu dilay duulaanka ay Somaliland ka wado Laascaanood,” ayuu Karaash yiri.

The post Puntland oo eedeyn culus oo ku saabsan xiisada Laascaanood u jeedisay Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this