Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo weerar ku qaaday DF kadib tallaabadii ay ka qaaday dibad-baxayaasha

Recommended Posts

Deeq A.   
CC-Shakuur.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo askartii maanta rasaasta u adeegsatay dadkii Muqdisho ka dhagay banaan-bax ay ku diidanaayeen xarigga Sheegow.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku xusay dhibaato ay u geysatay dowladii Farmaajo, isaga Madaxweynaha hadda xukunka jooga iyo kii ka sii horeeyey.

Hoos ka aqriso qoraal CC Shakuur oo dhameystiran:

Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii maanta Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagaxtuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool.

Sawirada halkan ka muuqda waa 19 Febraayo 2021, waxaa rasaas na huwiyey ciidanka Dawladda. Maalinkaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii xilka kaga horreeyey Shariif Sh. Axmad waxaa ku hareeraysnaa ciidan ku soo weeraray hoteelkii ay degganayeen.

Madaxweynihii sidaa yeelayna, maanta dal kale ayuu marti u yahay, kii uu weerarka ku ahaa ayaa dalka xukuma. Abwaan Cabdi Muxumad Amiin (AUN), ayaa laga hayaa

“Taariikhdu dadkay bartaa, Dunida waayaheedee”

Sheegow waa sarkaal ciidan, haddii uu dambi galay waxay ahayd in Maxkamad ciidan bixiso amarka soo qabashadiisa, shacabkana lagu wargeliyo hawlgalka ka dhanka ah, warbaahintana laga ilaaliyo sida bahdilan ee loo soo bandhigay.

Dhaqanka askarta soo qabatay mid la daafaci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto.

Haddiise xaalku gaaray in  dibad-baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawladdu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan caddayno in uu gaboodfal yahay falka maanta lagu kacay.

Igama aha in aan daafacayo dibad-baxayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira in aan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa, si tani aysan u noqon wado halaq mareen.

IMG_3749.jpeg?resize=512%2C253&ssl=1

The post CC Shakuur oo weerar ku qaaday DF kadib tallaabadii ay ka qaaday dibad-baxayaasha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this