Deeq A. Posted August 20, 2023 Boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Jareer weyne ayaa maanta galintii dambe sameeyay banaanbax looga hor jeedo xariga Gen. Sheegow Axmed Cali. Banaanbaxyaasha oo aad u caraysanaa ayaa socod ku maray wadooyin ay ka mid yihiin Maka Al-murama iyo Buulo Xuubey, waxayna warbaahinta u sheegeen in ay sii wadi doonaan tan iyo inta laga sii daynayo Gen. Sheegow. Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa rasaas u adeegsaday banaanbaxyaasha, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay rasaastaas. Dhanka kale banaanbax la mid ah kan Muqdisho ayaa isaguna ka dhacay degmada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, kaas oo lagu dalbanayay in lagu siidaayo Gen. Sheegow. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeen ka hor weerartay guriga Gen. Sheegow, waxaana dagaal in ka badan 15 saac socday oo ka khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay lagu soo qabtay sarkaalka. PUNTLAND POST The post Banaanbaxyo ka dhacay Muqdisho iyo Jowhar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites