General Duke Posted February 22, 2007 Muqdisho: Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Madiino oo la toogtay. 21. februar 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo caawa fiidkii ay niman hubeysan rasaas ku dhaawaceen isagoo ku sii jeeday gurigiisa ayaa markii dhaawaciisa la geeyey Cusbitaalka Keysanay ee Magaalada Muqdisho halkaas ku geeriyooday. Marxuum Muxiyaddiin ayaa geeridiisa waxaa aad uga xumaaday dadka intii tiqiin iyo kuwa samaha jecelba, waxaana isla caawa arrintiisa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka xagga nabadgelyada ee duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, kaas oo sheegay in baaritaan lagu sameyn doono kuwii ka dambeeyey dilka Guddoomiyaha, wuxuuna tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka. Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa tacsi u diray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuun Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo kooxo hubeysan ay caawa ku toogteen agagaarka xaafaddiisa. Sidoo kale waxaa caawa kooxo hubeysan ay toogteen Guddoomiye kuxigeenka degmada Madiina, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawaca soo gaaray uu u geeriyooday. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites